Somali Forumz

Would you like to react to this message? Create an account in a few clicks or log in to continue.

The Home Of Intellectuals, Where Debating Is Never-Ending Subject.

Latest topics

» whats wrong with Somali men !!!
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Sat May 24, 2014 11:54 am by Tayyibmusawwir

» I need some serious help
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Mon Nov 16, 2009 1:54 pm by LyingMali

» Looooooooool
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Fri Nov 06, 2009 2:50 pm by ManLikeByter

» nieuwe Islam site Diin al Xaqq
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Tue Sep 08, 2009 10:05 am by moi

» Elections in non-Muslim Nations?
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Tue Sep 08, 2009 9:52 am by moi

» Halal Pork????
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Thu Jul 16, 2009 12:06 am by Ganja_Freak

» I Need Your Help
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Fri Jul 10, 2009 10:47 pm by Amina/Tammy

» Neda if Iran - we will never forget you
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Sat Jun 27, 2009 11:37 pm by aishah

» My Goodbyes ...Sincerely, Sarai.
Dibnahaaga kala furo. Icon_minitime1Thu Jun 04, 2009 11:14 pm by Sarai


    Dibnahaaga kala furo.

    avatar
    HILIN-HAYAAN


    Number of posts : 5
    Registration date : 2008-11-25

    Dibnahaaga kala furo. Empty Dibnahaaga kala furo.

    Post  HILIN-HAYAAN Sat Jan 17, 2009 2:36 am

    Tixddan Gabeyga ah Aniga ayey maskaxdeydda ka imaatay, Ma ihi gabyaa, Ma ihi Qof weyn oo Cimrigiisa Kaashanaayo, laakiin mararka qaar, wax dadka kale aysan dareemi karin ayaa kaa imanaayo oo maskaxdaada ka soo baxayo si lama filaan ah.


    Magacaydda ilaahbaan
    Dhaar kuugu marayaaa
    Ilaahow ilaah kale majiro
    adiga mooyaane
    Adigaa awood loo cidkale
    amar ka yeeleynin
    Adigaa adoomaha khalqoo
    dhaman wada ekeysiyey.

    Imisaan tix dareershoon,
    Kugu dulmuusanaaboon
    Awoodaada sheegoon
    Quruxdaada kala dhigay.

    Anigana dhibkaan qabo
    Aamusnaanta qaarkeed
    Marbey oof an kaa harin
    Waa beey qaraar iyo
    Waran kaaga daran tahay.

    Mar waxaan iraahdaa
    Isla hadalka uurka ah
    Iyo tixaha dhaadheer
    Garan meyso gabadhuyo
    Bada buur ha dhaaftee
    Dibna haaga kala furo
    Oo sheeg umuuraha.

    Wali uur ka hadalkiyo
    waa go’aan qaado oo daa
    Cabsi waxaan dareemaa
    Mugdi dama cariiriyo
    Walwal ii darsowdaa
    Anoo seegay gabadhii
    Uurkeyga dubatoo
    Igu shiday a lee laha.

    Dhamaan ina rageedow
    Waxaan igu dhacayaa
    Ma horey baad u aragteen
    Mise waa wax cusuboo
    Igu kooban anigoo
    Sad ilaahay weeyaan

    Ilaah baa ummuuraha
    Hilin toosan mariyee
    Cusri markuu yimaadaba
    Yusri dibadii mariyee
    Nasrigaaga eebow
    Iiga yeel suleekhdan

    Ama aan baroortiyo
    Naftan halan halkeedaa
    Kolba maanso eed iyo
    Umal iyo xanuun badan
    Murug uu ka mooqdoo
    Maskaxdeyda shiishoo
    Qaraw igu abuurtoo
    Iimaba haboona’e
    Badda buur ha dhaaftee
    Dibna haaga kala furo
    Oo sheeg umuuraha.

    Haddii kale dulleedada
    Heesaha la taagnow
    Ha ku dhaafo qeyrkaa….

      Similar topics

      -

      Current date/time is Fri Apr 26, 2024 12:56 pm