The Home Of Intellectuals, Where Debating Is Never-Ending Subject.

Latest topics

» whats wrong with Somali men !!!
Sat May 24, 2014 11:54 am by Tayyibmusawwir

» I need some serious help
Mon Nov 16, 2009 1:54 pm by LyingMali

» Looooooooool
Fri Nov 06, 2009 2:50 pm by ManLikeByter

» nieuwe Islam site Diin al Xaqq
Tue Sep 08, 2009 10:05 am by moi

» Elections in non-Muslim Nations?
Tue Sep 08, 2009 9:52 am by moi

» Halal Pork????
Thu Jul 16, 2009 12:06 am by Ganja_Freak

» I Need Your Help
Fri Jul 10, 2009 10:47 pm by Amina/Tammy

» Neda if Iran - we will never forget you
Sat Jun 27, 2009 11:37 pm by aishah

» My Goodbyes ...Sincerely, Sarai.
Thu Jun 04, 2009 11:14 pm by Sarai


    Carshigii Jeceylka

    Share

    HILIN-HAYAAN

    Number of posts : 5
    Registration date : 2008-11-25

    Carshigii Jeceylka

    Post  HILIN-HAYAAN on Sat Jan 17, 2009 2:24 am

    Gabeygan waxaa leh oo tiriyey, abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye, waa gabey, gabar soomaali ah uu ku aamaanayo, Si aad ah ayaan uga helay, waana qoray idinkana ila wadaaga.

    Ma cawaa ma caanaa
    Ma cugbaa ma cigashaa
    Ma cisaa ma culuq baa
    Ma daruur gu’o curatoo
    Cir cadaaadi noqon baa.

    Ma cigaalka falagiyo
    Cir jiidhkii mariikh baa
    Ma magool curtay baa
    Ma cadceed arooryoo
    Faladhaha casuusta leh
    Ku cabsiiso dhadadoo
    Ciiryaanti didisaa.

    Ma xareed is celisaa
    Ma habeen cada ahoo
    Baliyadda cigaagani
    Casuumeen xidigahoo
    Cirka dayaxi kaa jiray
    Dhulka kaa cawiray baa.

    Cosob reyska xaadhiyo
    Magan goo ka ceeroo
    Carcaryadda barkadeybaa
    Ala samey cudoonaa
    Udugaa carfoonaa
    Samsam ceynka loo dhigay
    citibaaro badana


    Caalla maaha liitiyah
    Habac maaha ceeba leh
    Qalaf maaha camal ba’an
    Coon maaha loo hoyan
    Baali maaha caaryo leh
    Cirri maaha toom leh
    Cawro maaha socod badan
    Cayil maaha laga dido
    Caatana umey bixin
    cid kastaba ugeeyoo
    meel laga canaantiyo
    cillad looma heli karo.

    Cabdiyow talabadda
    Cutiyaan iraahdaa
    Timahey caweyskii
    Cirif yadda u saartee
    Ku cayaara leydhee
    Cawryaan haldhaayaddu
    Dibnaheeda culeyga ah
    Ciridkeeda dhuxusha ah
    Ilkahaa cadaanka ah
    Naasaha canbuusha ah
    Sunayaasha cawsha ah
    Cududaha garaaha
    Dhaxda caaro dhuubta ah
    Masciideedka midabka ah
    Sanqaroorka ceynabah
    Kubabkey u culus tahay
    Cabarshaha surkeedey
    Sirirsheen cabaaryaddu
    Waa xuurul ceynoo
    Kulba anigu tin iyo cidhib
    Cad an quudho kuma arag.

    Cag fudeyd umey dhalan
    Caro laguma sheegeeyn
    Waa canaadi lama oran
    Wax ka cawdo maan maqal
    Ma cod dheera waa gabadh
    Xishood baa u caado ah
    Cimri waa u gabadh wali
    Caqli waa u waayeel
    Cirib baana lee dahay
    Aniguna ma caasiyo
    Cadraddii amaan lahe
    Carshigii jaceylkaan
    U caleemo saaraye
    Adna cadar hadrawoow
    Hambalyadda u soo curi.

      Current date/time is Thu Oct 18, 2018 1:16 pm